Login

Sign Up Form

Isku Xoqidda Ilkaha Ama Jiriqsiga (Bruxism) Iyo Halista Ay Keeni Karo


Isku xoqidda ilkaha waxaa loo yaqaanaa bruxism. Waa xaalad dadka la nool ay isku xoqaan ama isku riiqaan ilkaha ayagoon war u haynin, arintaan waxey inta badan dhacdaa xiliga ay hurdaan ama maalinta cad.


Isku xoqidda ilkaha xiliga hurdada waxaa la aaminsan yahay iney tahay cillad dhaqdhaqaaqa jirka oo xiriir la leh hurdada. Dadka isku xoqa ilkaha xiliga ay hurdaan waxey inta badan la nool yihiin cilladaha kale ee hurdada sida khuurada iyo neefta oo ku xiranta xiliga hurdada. 

Wax dhibaata ah ma lahan hadii isku xoqidda ay tahay mid khafiif ah, dadka qaar ayaa ilkaha isku xoqa si joogta, arintaan waxey sababi kartaa madax xanuun, dillaaca ilkaha iyo daan xanuun.

Maadaama ay macquul tahay inaad isku xoqdid ilkahaaga xilliga hurdada adigoon ogeyn ilaa iyo inta aad ka dareemeysid dhibaatooyinka la xiriira, waa kuu muhiim in aad aqoon uyeelatid astaamaha iyo calaamada ka dhasha isku xoqidda ilkaha si aad u raadisid daryeelka ilkaha.

Astaamaha lagu garto isku xoqidda ilkaha

  • Dhawaaqa isku qabashada ama isku xoqidda ilkaha oo hurdada kasoo toosin karta lamaanahaaga
  • Ilkaha oo noqda kuwa siman, jaba, dilaaca ama dabca
  • Dahaarka kore ee ilkaha oo duugooba, misana la arko dahaarka gudaha ee iliga
  • Xanuunka iliga oo bata
  • Murqaha daanka oo isku xirma, afka oo aan si buuxda loo furi karin ama loo xiri karin
  • Barar iyo xanuuna laga dareemo daanka, qoorta iyo wajiga
  • Xanuun loo maleeyo inuu ka imaanayo dhegta, in kastoo aysan dhagaha ku xanuuneyn
  • Gudaha dhabanada oo dhaawacma
  • Khalkhal ku yimaada hurdada

Sababaha keena isku xoqidda ilkaha

Dhaqaatiirta si buuxda uma fahansana waxa sababa isku xoqida ilkaha, laakin waxaa sababi kara waxyaaba isku tagay oo jismi, maskaxi iyo haddaba isugujira

  • Isku xoqidda ilkaha marka qofka uu soo jeedo. Waxaa sababa shucuurta sida diiqda, walwalka, xanaaqa, jahwareerka ama kacsanaanta, ama in qofka uu sameeyo marka uu si qota dheer u fakarayo
  • Isku xoqidda ilkaha xiliga hurdada. Waxaa sababi kara qofka oo wax calaaliya xiliga hurdada

Halista keeni karta in la isku xoqo ilkaha

  • Hadii qofka uu ku bato walwalka ama diiqada waxey ku sababi kartaa in qofka uu ilkaha isku xoqo, sidoo kale marka qofka uu xanaaqsan yahay
  • Da’da. Arintaan waxey ku badan tahay ilmaha, laakin waa mid inta badan iskeed u baaba’do
  • Qofka dabeecad u leh gardarrada, tartanka ayaa lagu arki karaa xaaladaan
  • Dawooyinka iyo walxa kale. Dawooyinka loo qaato xanuunada dhimirka, cabidda sigaarka ayaa halis ku keeni kara qofka in ay xaaladaan la soo deristo.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara xaaladaan

Inta badan xaaladaan ma wadato dhibaato halis ah, hasa yeeshe hadii isku xoqidda ay tahay mid daran waxaa dhici kara:

  • Dhaawac soo gaara ilkaha
  • Madax xanuun
  • Xanuun daran oo laga dareemo wajiga ama daanka
  • Dhibaatooyinka kalagoyska loo yaqaano temporomandibular oo ka koreeya dhegta, sida inaad maqashid gujin marka aad afka fureysid ama aad xireysid

Daweynta

Inta badan xaaladaan daruuri uma ahan in la daweeyo. Caruurta badan koodu wey ka weynaadaan dawo la’aan, dadka qaan-gaarka ahna uma baahdaan dawo. Hasa yeeshee hadii dhibka uu sii bato waxaa jira qaabab kala duwan oo loo daweeyo, waxaana ka mid ah qaab uu dhaqtarka ilkaha u maareeyo, in qofka uu maareeyo shucuurtiisan, iyo qaab dawo ah.

Booqo dhaqtarkaaga ilkaha ama dhaqtar kale hadii aad isku aragtid astaamaha kor ku xusan ama aad ka walaacsan tahay daankaaga ama ilkahaaga

Hadii aad aragtid in ubadkaaga uu isku xoqo ilkaha, ama astaamaha iyo calaamadaha xaaladaan, u geey dhaqtar una sheeg astaamaha aad ku aragtay


Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.