Login

Sign Up Form

Faaidada Wax Akhriska

 Faaidada Wax Akhriska



“Aqoontiyo waxbarashada ruux ka oman baan ahay ”

Hordhac


Waxaan soo jeclahay inaan ka hadlo mowduuc dulucdiisu tahay ‘’aqristaha maanta waa hogaamiyaha bari.’’

Mowduucan waa balaadhan yahay maqaal kobana lagagama hadli karo lakin waan yara tatabanayaa.

Muhiimada aqriska waxaa ilahay dhigay maqaan aad u sareeya isagoo u doortey sodonka jis ee quraanku ka koban yahay erayga ugu horeeya noqdo ‘’iqra’’ eraygaas oo nabigeena suban  NNKH lagu amrayo inuu wax aqriyo.

waqtigaas nabigu NNKH wuxuu ahaa UMI macnaheedu waa inaanu waxna qorin aqrina taas ilahay wuxuu ka lahaa xeeldheer oo latusinayo bini'admka muhimada aqriska.


Waa maxay aqriska?


Aqrisku waa quudinta,kobcinta, kor uqadida ,qimaynta  maskaxda.Sida jidhku ugubahan yahay cunto iyo cabid maskaxduna waxay ugu bahan tahay aqris. Dadka wax aqriya waa ad ka cimri dheer dadka kale waxay tariikh iyo fikarado ka hayaan dadkii boqolaalsano ka horeyay  waxayna tariikh iyo fikrado fican ugu tagaan dadka ka danbeya  yagoo usii reeba qoraal fican.


Faa’iidada aqriska


Madama oo u mowducan aad u baladhan yahay waxaan taban doona faa’iidad aqriska isagoon la soo koobi karin waxa kamida:


1)    Ilalinta waqtiga


Waqtigu waa shay aad uqaliya wana waxa kaliya een dib usoo noqonayn in la ilaaliyo lagana faaiidaysto waa muhiim,


Waakii laha Alle ha unaxariiste abwaan X.adan afqalooc;


Saben tagey mid wali soosocdiyo saaka waxa jooga


Sadexdaa waqtibaa xaal aduun lagu sifeyaaye


Soonoqod majiro shaley wixii sadufoo dhacaye .


qof walaba oo gulaysta if iyo akhiraba waa qofka xisabiya waqtigiisa akhriskuna waa shayga ugu fican ee waqtiga lagu ilaaliyo.


 


2)    ka fogaanta dambiyada


waqtigaad wax aqriyayso waxaad ka dheeranaysa danbiyada sida


xanta, filimada ,hadalka bila macniga ah ,beenta, aflagadeenta dadka iyo  dagaalka  IWM.


 


3)    Cilmi korodhsi


Waxaa kordhaysa caqligaaga,maskaxadaada,aragtidaada iyo wayo arignima buuxdana oo aad ka helaysid aqriska.


Waxaad kaloo ka helaysaa fikrado cusub sida noloshii dadkii hore ama erayo cusub iyo iyo dabecadaha iyo nolosha dadkood wax kabaratid


 


Somalida iyo aqriska,


Soamalida waxay ahaayeen dad hadal iyo hawraar isku gudbiya fariimaaha kana dhigan jirey iskaadhsiin. Waxay ahayeen dad ka fog aqriska iyo qoraalka taa badalkeeda wuxuu ilahay hibo u siyay hal abuurka .


Hadii aan yara dul istaago waqtigii la qoray luqada somaliga Af soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii. Af soomaaliga waxa lagu qoraa xuruufta laatiinka ka dib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer ka dib, guddigu wuu talo gafay. Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.


 


Madaama ay koobnayd waqtiguu qornaa afka  somaligu waxaa aad u yar inta somalida wax aqrid ama qorta. Taas oo ah wax biniadamku ka siman yihiin yagoon soo dhawayn waxa ku cusub.


 


Sababaha kenay aqris la’aanta.


1)    Sabir la’aan


Somalidu waxaa ku yar samirka  Ilahay wuxuu yidhi: samir baa lagu gadha  imaamada iyo melaha sare.


Waxaan leyay aqriku wuxuu ubahan yahay samir  haloo samro.


‘’Dhayal laguma helo wadaadow


Waxaan cidi u howshoone


Naftaa loo hantaaqa waxaad xiigso ledahaye .’’


 


2)    Haweenka


Haweenku waa hagaha tarbiyadaynta iyo horumarinta  bulshada madama hoyada ay  tahay warshada  bulshada oo ay soosaarto waxa u qalisan aduunka waa inay ka fakartyo sidey usoo saari lahayd ilmo meel walba ka dhisan xaga dineed iyo dhaqaneedba.


Markaa waa inay ku tarbiyayso wax aqriska  iyo inay kor uqaado shaqsiyada ilmaha si ay usoo saarto hogamiye ka dhisan dhinac walba .


Waa inay hoyadu ka fikirto meel ilmuhu wax ku aqristo oo guriga gooni u ah waana in walidka laga arko yagoo wax aqrinaya sii uu ilmuhu wax u aqriyo laguna carbiyo aqriska iyo qorida


 



3)    Dowlada


Dowlada iyo wasarada wax barrashada oo aan xil iska sarin horumarinta aqriska .


 


Gabagabo


Waxaan kusoo gababaynayaa ina aduunyadu lagu kala hormarey aqriska iyo dowladaha lacagtey waxbarashada kubxiyaan halka dowlada afrikaanka aan lacag badan kaga bixin taas waxay fudaydinkartaa in layna gumaysto madama oo ay yar tahay qoraalkena iyo aqriskeenuba .


Hala daadalo ayaan leyahay dadaala waa gaadha.


Intasan ku kobaya waxaa mahad leh  aqristaayasha aqrisanaya mowducan.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.